Monday, 19 June 2017

Farqiga Udhexeeya Guusha iyo Guuldarida!




Waxa ay tahay guushu in cabir sax ah lagu keeno way adagtahay, mana fududa in qormo yar lagu cabiro nuxurka guusha laakiin hadaynu eegno magaca guul waa wax cayiman oo la isla garanayo. Dabeecada aadanaha waxaa kamida in guuldaridu tahay mid aan lajeclayn, hasa ahaatee guul iyo guuldariba waa wax aynu uwada noolnahay ruux walbo oo inaga mid ahna wuu lakulmayaa intuu dunida ku noolyahay. Guushu waa himilo iyo hiigsi aad leedahay oo aad gaarto, mana aha mid ku timaada xagal laaban “xaglo laaban xoolo kuma yimaadaan” ayay tiraahdaa Soomalidu, sidoo kale guushu ma aha mid ku timaada sahal, hami yari, fakar gaabni, samir la’aan  iwm.

Friday, 16 June 2017

Rajo Xumi Ha Muujin Raaxo Way Kuu Danbeyn!




Inkastoo Allaah SWT qorsheeyay ruux waliba waxuu noqon lahaa, iyo waqtiga uu noolaan lahaa, hadana aduunyada aynu kunoolnahay waxaa la iskudhaafaa  dadaal,  karti,  hammi fog,  samir iyo dulqaad. Ruux waliba oo dunida kunool waxbuu kuhammiyaa, waxuuna isku hoowlaa siduu kugaari lahaa hammigiisa, waxaa jiro caqabado badan oo ka hor imaankaro, ruux baa hammi wayn kaleh dunida laakiin aysan usaamaxaynin daruufo haysto aawadood iyo jawi nololeedkiisa, majiro ruux u dhashay inuu noqdo ruux aan si wanaagsanayn  ufakara oo dadka iyo duunyadaba dhibateeya, waxaa jiro sababo ugeeyay inuu noqdo ruux nuucaas ah qaddarta Allaah ka sokoow.

Ku Dhaqan Lixdaan Astaamood Oo Gaar Guusha Aad Hiigsanaysid.

Halkaan waxaan kusoo uruuriyay 6 astaamood oo ay ku dhaqmaan dadka guulaystayaasha ah oo noloshaan aynu ku jirno guulo lataaban karo  ...