Halkaan waxaan kusoo uruuriyay 6
astaamood oo ay ku dhaqmaan dadka guulaystayaasha ah oo noloshaan aynu ku jirno
guulo lataaban karo ka gaaray haday noqoto Mid Dhaqaale, Aqoon, Ganacsi, Xirfad, iyo hab maamul wanaagsan.
Si aa u noqto Guulayste Nolasha wax
badan ka badala ila qaado Talooyinkaan lixada ah:
1-
Cibaado:
Awood
inaga wayn ayaa maamusha aduunyadan Allah ayay kaawnkan amarkiisa ku soscodaa
haadii Allah raali kaa ahayn oo xiriirka aad la leedahay uusan ahayn mid Hagaagsan
oo adag way adagtahay inaad nolosha aad ka gartid guulo la taban karo.
Sidaan wada ognahay bini-Adamku waxuu ka
koobanyahay ruux, jir iyo moraal ama niyad, ruuxdaada ayaa ah mashiinka uu ku socdo
qolofka Aadanuhu, markasta oo ruuxdaada hagaasto/daciifto oo quudkeedu yaraado
waxaa adkaanaysa inaad horay usocoto, cibaadadu waa quud ruuxeed marka ruuxu
sameeyo waxa uu dareemaa amni, bad-qab
iyo deganaasho, hadaad rabtid inaad talaabo horay u qaado waxaa waajib kugu ah in ruux wayn, dhisan, awood leh oo
quudkeeda si maalin-la ah u hesho ay kugu jirto.
2-
Isdhiirigelin:
Qofku waa in uu naftiisa dhiirigliyaa,
isla khalwaysto, uu dhagaysto ama uu aqriyo qoralo dhiiri gelinaya oo
hiraalkiisa iyo hamigiisa kor uqaadaya niyaddiisana ugu bishaaarayna inay
jiraan wax badan uu qaban karo, waa qodob moralkaada iyo niyaddaaduba aysan
marnaba kamaarmaynin.
Marana haka sugin qof inuu ku dhiirigaliyo,
noqo qof ku tarbiyeeya naftiisa si ay u gaarto mustqal iyo isku filanasho
buuuxada.
Adduunyada laba cod ayaa jira oo kuu
diidaya inaad aaminto noloshu inay fursado kuu hayso, cod adiga dhaxdaada ka
guuxaya oo aad iskula hadasho misna ku yiraahdo maqaban kartid, manoqon kartid,
kuuma suurtagal aha, waa lagaaga dhaw yahay, waxba kuuma yaalan aduunyada oo qayrkaa
ayaa horay wax uga keeni waayay cod waa kaa halka midka kale uu yahay cod dadka
kaa ag dhaw kasoo yeera oo kaaga hadlaya waxyaabaha kuu suurtagalka ah iyo
waxyaabaha aan kuu suurtagalka ahayn, kaliya waxa kuu suurtagalka ah waxaa
ogaan kara Allah wayn kasokoow adiga oo
kaliya ,waa inaa muujisaa mar kasta dadaal dheeri ah.
Codadkaas si aad uga badbaadid waa
inaad si maalinla ah isku dhiirigelisaa naftadana aad waqti laqaadataa misna siisaa
quud niyadeed taasna waxaad ka macashaysaa in hamigaadu sii fogaadu oo aad
dareento suurtagal ahaanshaha iyo inay dhaboobi karaan waxa aad ku fakaraysid
sido kale inaad ka arinsato noloshaadu halka ay hadda joogto iyo halka ay ku socoto,
waxay kaa caawinaysaa is maamul nafeed iyo inaad noqoto ruux dhanwaliba iska
warhaayo.
3-
Aqris:
Guulaystuhu marka uu tooso kadib waxa uu aqriyaa 30-40bog maalinkasta 20bog oo aad
maaalin walba aqriso waxay sababi kartaa in isbuuc kasto aad dhamayn karto hal
bug bil walbo aad dhmayn karto 4buug sanad kasto aad dhamayn karto celcelis
ahaan 50buug taasina waa korriin ruuxi ah, caqligaada oo siyaaada , ogaalka aad
ka haysato aduunyada oo kordha, markaad waxabadan ogtahay ayaadna wax fiican
qaban kartaa.
4-
Qoraal:
guulaystayaashu waxay qoraan qorshaha ay
malintaas leeyihiin waxayna u kal sameeyaan wax walba muhiimmada ay kala
leeyihiin, taasi waxay kaa caawinaysaa inaad Ujeeddadaada duljoogtid marwaliba
waxkasta oo kaa mashquulinkarana ka howshootid oo aad kasoo dhawawatid, waxaa
kale oo muhiim ah inaad samaysatid xasuusiye midka ku dhegga derbiga ama
gidaarka sidaad u taqaanid misna aad ku qortid qorshaha aad leedahay maalinta
kadibna aad ku dhegsatid gaarigaada, miiska xafiiskaada iyo meelaha ugu badan
ee ishaadu ku dhacdo inta aad ku jirtid howl maalmeedkada si ay kuu xasuusiso
waxii maalintaa aad ugu talagashay inaad qabatid halka ay marayaan.
5-
Layli Jireed (body exercise):
kasokoow inaad ka heleeysid caafimaad badan
iyo fur-furnaan waxyaabaha uu gaar ahaan faaiido u leeyahay ee aad marnaba uga
maarmaynin waxaa kamid ah, waxay kuu saamaxaysaa inaad tahay ruux iska warhayo,
qof tamar badan haya iyo inaad u firfircoonaato howl maalmeedkaada.
6-
Waxbixin:
wax bixintu wa siffo dadka nolosha
derejooyinka sare kaga nool ay leeyihiin si maallinle ahna usameeyaan, inaad wax bixisid waxaad ka
helaysaa qaninimo qalbi ah, waxad daremaysaa naxariis iyo inaad dhigto naftaada
halka uutaaganyahay ruuxa aad waxsiinaysid, waxaad dareemaysaa oo aad arkaysaa muhiimmada
naftaadu ay uyeelaynayso dadka aad wax siisay,
waa sunan Ilaahi ah in ruuxu waxa uu bixiyo Allah usoo celiyo waliba
ayagoo lalaba jibaaray, ruuxna wax kuma waayo wax bixinta, inta adoon uu ku
howlanyahay caawinta walaalkii ayuu Allah ku howlanyahay caawintiisa.
Lixdaan siffo ama lixdaan dhaqan ayaa
u ah tiirarka aasaaiga ay leeyihiin dadka guulaystayaasha ah ee nolosha
dhinacyadeeda kala duwan meela sarsare ka gaaray mana dhacdo inay gurigooda kasoo
baxaan ayagoon intaas samaynin, waa inaad adiguna dhaqanaadaan iyo
caadooyinkaan ka dhigataa kuwa noloshaada haga si foojignaan leh aad usamaysaa
maalin walba kuna salaysaa noloshaada si aad u garto guusha aad hiigsanaysid.
Hadii aad si
saxan u qaadato Talooyinkaan islmarkaana aad joogtayso ku dhaqnanka caaadoyinka
kor ku xusan hubaal waxaa ah inaad Gaaraysid Guuusha Nolasha
No comments:
Post a Comment