Waa maxaay isbedal?
Bulshayahay hadmaad
hanan
Hanaankaada wacan
iyo
Howlahaada quruxda
leh.
Isbedalku
waa ku baraarugista dib udhac aad ku jirtid, hadii aan sikale u dhahno waa wax
kaa horeeyo oo aad dooneysid inaad gaartid, ka dhaqaaqida hadda xaaladda aad ku
sugantahay iyo u hana qaadidda xaalad kale, si uu udhoco isbedalkaasi waxaa
lama huraan ah in lahelo isbedal shaqsiyadeed, Ugu horeyn naftaada ayaa kaaga baahan barasho iyo u kuur
galid.
Kadib barashada naftaada
waxa kuusoo baxaysa waxa aad u baahanatay in
aad bedasho iyo wixii aad ku bedalli lahayd labadaba. Sababtoo ah isbedal
oo idil waxa uu ku xiranyahay bani’adamka. Haduusan dadku isbedelin wax isbedal
ah oo imaan karo malahan.
Isbedalku maaha in ruuxu uu bedalo qaabkiisa iyo
dhismaha jirkiisa ee waa inuu bedalaa caqligiisa iyo maskaxdiisa. Is bedalku waxa uu ka
bilawdaa fikirka waxa uuna ku dhamaada ficilka. Mar kasta oo aad wax ka bedasho
hannaankaada fikir, waxa is bedala sidoo kale hab dhaqankaaga. Mar kasta oo hab
dhaqankaaga ay wax iska bedalaanna, waxa is bedala natiijooyinkaada. Sidaa
daraadeed maskaxadaada oo aad badashaa waa bilawga is bedalka nolashaada.
Noloshaada oo aad badashaa, waxa ay sabab u noqotaa
qof kale oo aad badasho, qoyskaada aad badasho iyo qaran aad badasho intaba. Manta
haddad ufiirsatid waddanka waxa ka socdo waa afkaar ficil la’aan ah, waxaa ka
muuqata bulshada rajja xumi taasna waxaa ugu wacan balanqaadyada faraha badan
oo loo samaynayo misna wax miradhal ah lahayn. Haddaba dib udhaca aan ku
sugannahay ma annaga ayaa iskuugu wacan masa madaxda dalka??! Aayad Qur’aana ayaa dhehaysa “Alle Qoom ma
dooriyo illaa iyagu nafahooda ay wax ka bedalaan maahane” sidaa daraadeed isbedal aad naftaada ku sameysaahi waxa ay
sabab u noqon kartaa umad horumarkooda.
Isbedalka wanaagsan waa meesha uu waddanku
ka jiisayo misna bulshadu si qiyaas li’i ah ugu wada baahantahay, ruux walba oo
dunida ku noolna wuu ubaahanyahay, dhamaan dadka
raba inay nolosha ka sameeyan guul waxay nafahooda ku qanciyan inuu isbadal
waajib yahay. Tusaale waxaa
kugu filan dalalka horumaray iyo bulshadooda iyo bulshada waddanka markaad is
barbardhigto waxa ay ku kala mashquulsanyihiin, halka bulshada caalamka ku
mashquulsantahay sida ay u samayn lahaayen isbedal cusub, uso saari lahaayen
fikir cusub, bulshadeena ayaga ayaa isku mashquulsan, ayaga is jiir nacaya,
xaqiiqdii waxaa nala saaray maskax aan ushaqaynin hanka wanagsan ee kaliya ay
umuuqato inaan dullinimo, daruuf iyo baaba’a aan kusii jirno.
Allah ayaa ku caalim ah halka inoo
haboon ee ALLAHAYOW xaqqa inagu toosi, ummadeena usoo gargaar.
No comments:
Post a Comment