Inkastoo Allaah SWT qorsheeyay ruux waliba waxuu noqon
lahaa, iyo waqtiga uu noolaan lahaa, hadana aduunyada aynu kunoolnahay waxaa la
iskudhaafaa dadaal, karti, hammi fog, samir iyo dulqaad. Ruux waliba oo dunida kunool
waxbuu kuhammiyaa, waxuuna isku hoowlaa siduu kugaari lahaa hammigiisa, waxaa jiro
caqabado badan oo ka hor imaankaro, ruux baa hammi wayn kaleh dunida laakiin aysan
usaamaxaynin daruufo haysto aawadood iyo jawi nololeedkiisa, majiro ruux u dhashay
inuu noqdo ruux aan si
wanaagsanayn ufakara oo
dadka iyo duunyadaba dhibateeya,
waxaa jiro sababo ugeeyay inuu noqdo ruux nuucaas ah qaddarta Allaah ka sokoow.
Markaad u fiirsatid xaladda dalkeena hooyo waxaad is weydiineysaa, maxay tahay sababta dadka fakarka qaldan
ka haysta nolosha ugu so badanayaan waddanka? Maxaa xal looheli la’yahay? Maxey hareerehayna uga muuqdaan waxyaabaha dib udhaca inoo horseedaya oo naga
hor istaagaya hiigsiga hadafyadeena?
Haddaba su’aalahaan jawaabahooda hadaan kucabirno waddankeena Soomaliya, tusaale
ruux kadhashay qoys sabool ah oo aan haysanin wax kabadan nolol maalmeedkooda oo
lagayaabo inay si dhib ah kusoohelayaan xattaa waxay cuni lahaayen maalintii halmar
ama laba mar, markuu arko/aragto wiil/gabar asaagiis/geed ah oo labbisan una socdo/socoto iskuul
maxay dareemayaan?
Adiguba iska sooqaade
Waxaad dareemaysa niyad jab iyo inaanba laguu qorrin inaad kunoolaatid nolol wanaagsan,
islamarkiiba waxaad bilaabaysaa inaad ku fakartid waxyaaba aan wanagsaneyn, sida inaad ka
quusatid nolosha dhankeeda wanaagsan una janjeersatid dhankeeda aan
wanaagsanayn, inaad ku noolaatid nolol aad uliidato oo aad sabab unoqotid inaad
dunida kusobiirisid ubad kunoolaan doono nolosha hadda adiga kubaday inaad gasho
xaaladaan raja beelka ah, inaad tahriibtid oo aad noloshaada kuhaligtid badda. waasa hadii aysan jirin diin iyo iimaan ku celinaya.
Nooluhu wuu kala samir iyo dulqaad badanyahay
qof kasto oo naga mid ahna xagal ayuu ka
eegaa nolosha oo isku si looma wada fiiriyo, laakiin waxaa laga simanyahay in
ruux walbo uu ku hamminayo nolol qurux badan inuu ku helo koonkan aynu kunolnahay.
Inta badan dhalinta ama carruurta ay qabsato
xaaladan oo kale (Raja xumi) waxay dan moodaan isticmaalida waxyaabaha maanka dooriya
sida cabidda xashiika iyo cunidda qaadka, koolada iwm, si ay isku ilaawsiiyaan noloshaan
ula muuqato mid wax rajo ah aanan u muujin oo ka eexatay, iyo in ay bilaabaan la
rafiiqista dadka asaagooda ah oo sida
ayaga horay uga sooquustay nolosha, waxaa kale oo ay door bidaan ineey qori
qaadaan, inuu kusoo koobmo hadafkooda oo idil dhibaateynta dadka, iwm. ileen
ruux aan tiisu uquruxsanayn tu kaleeto uma naxee, Waa hubaal in ay kamaarmi
lahaayeen haddii Allaah SWT
abuuray ayaga dunidan keenay ay xasuusan
lahaayeen ,naxariistiisana aysan ka quusan laheyn, karti
yar isgeliyaan , noloshana ka muujiyaan rajo wanaagsan samir iyo dulqaadna ay
kaashadaan. Nasiib xumo inta badan way
la fogaataa waxayna gaarsiisa heer aysan dib uga soo laaban Karin.
Dhanka kale waxaa dhacda ruux fursad u haysta inuu
ka rumeeyo hadafkiisa, daruuf ka horistaagayso aysan jirin ka guul keenida hadafkiisa, inuu saameeyo ruuxii shalay ka raja xumeeyay nolosha,
waxaa jira waddooyin badan oo uu kusaameyn karo, tusaaale adigo waddada maraya haduu
nin asagaada/da’daada
ah ah
intuu qori kugu sootaago kudhoho waryaa wan ka shakiyay iyo handadaad kulagalo kadibna
jirdil kuugudaro, maxaa samayn lahayd?.
Waxaad is weydiineysa war ninkaan awooda uu kudheeryahay
waa maxay? waa qori sow maaha, haddaba maad
qaadatid adiguna, taas oo kaa dhigeeyso inaad noqotid sida asaga oo kale misna
ku ilaawsiinaysa fursadii gacantaada ku jirtay, imisa ayay tani kusababtay inay waddadii ifeysay
oo ay tiigsanayeen kadoortaan wada mugdi ah.
Nolushu maaha sida ay kuula muuqato haday manta kaa eexato berito ayay ku eexan doontaa, kaliya usamir sugna waqtigaada wuu imaan doonaaye, yeysan ku saameynin ficilada shaydaan, yuusan kaa indha saabin naxariisa Allah, noqo qof leh hami iyo hadaf fog mar walba, noqo qof saameyntiisu xoogantahay, hanoqon qof u fudud in lasaameeyo, hana noqon qof si fudud looga weecin karo waddadiisa.
Nolushu maaha sida ay kuula muuqato haday manta kaa eexato berito ayay ku eexan doontaa, kaliya usamir sugna waqtigaada wuu imaan doonaaye, yeysan ku saameynin ficilada shaydaan, yuusan kaa indha saabin naxariisa Allah, noqo qof leh hami iyo hadaf fog mar walba, noqo qof saameyntiisu xoogantahay, hanoqon qof u fudud in lasaameeyo, hana noqon qof si fudud looga weecin karo waddadiisa.
dhawaan iga fisha mowduucyo xasaasi ah mahadsanidiin.
No comments:
Post a Comment