Waxa ay tahay guushu in cabir sax ah lagu keeno way adagtahay, mana fududa in qormo yar lagu cabiro nuxurka guusha laakiin hadaynu eegno magaca guul waa wax cayiman oo la isla garanayo. Dabeecada aadanaha waxaa kamida in guuldaridu tahay mid aan lajeclayn, hasa ahaatee guul iyo guuldariba waa wax aynu uwada noolnahay ruux walbo oo inaga mid ahna wuu lakulmayaa intuu dunida ku noolyahay. Guushu waa himilo iyo hiigsi aad leedahay oo aad gaarto, mana aha mid ku timaada xagal laaban “xaglo laaban xoolo kuma yimaadaan” ayay tiraahdaa Soomalidu, sidoo kale guushu ma aha mid ku timaada sahal, hami yari, fakar gaabni, samir la’aan iwm.
Inaad kala garatid farqiga udhaxeeya guusha
iyo guuldarida waxeey kaa caawineysaa, inaad ka adkaatid nafsadaada, in aad
suurta gelisid waxyaabo aadan sugaynin shaqsi ahaantaada oo kuula muuqday wax
aadan samayn Karin, taasi oo kugu dhalin doonto inaad latimaadid dadaal dheeraad
ah si aad u gaartid guulo kale. Guusha iyo guuldarida waa loo wada simanyahay
laakiin waxaa lagu kala tagsanyahay
hanka iyo hiigsiga aad leedahay , hummaaga mustaqbaleed ee kuu muuqdo
misna qofku ku fakarayo inuu gaaro iyo dadaal huffan.
Hadii aad
fashilantid macnaheedu ma’aha inaad aqbashid guuldarida, waa inaad ka qaadaitid
cashar kaasoo ku horseedayo in aadan ku laabanin qaladkii kuugu wacnaa inaad
guuldaraysato, waa inay ku tusisaa waddo cusub oo loo maro guusha, isku dhiirigeli inaad waddada guusha cagta
saartid, dadaalkeedana la timaadid, isku day inaad aqoonsatid caqabadaha kaa
hortaagan guusha una kuurgal xallintooda. Inaad guul gaartid waxeey ku
xirantahay hadba inta aad xakameysid naftaada. Nolosha kasoo qaaad sida ciyaar
oo kale (game), ruux-baa ka guul keenayo ciyaarta nolosha, ruux-baa
guuldareysanaya, waayo ciyaarta aan ciyaarno nolosha natiijadeeda waa guul iyo
guuldaro labada mid uun, dhamaadka ciyaarta guuleystayaal iyo guuldareystayaal
labadaba waa laheli.
Inaad noqotid
ruux halabuur leh, fakar iyo hadaf u saaxiib ah, inaad dadka ka dhaadhicisid
fakaradaada, inaad dhaxdooda ku yeelatid xushmad, inaad noqotid ruux lacag leh
ku nool nolol qurux badan intoodaba waa qeyb kamida ciyaarta aad nolosha la
cayiraareysid, hadii aad u ciyaartid si nidaamsan, aad noqotid ruux asagu
nolosha xakameeya, waxaad noqonaysaa ruux ka guul keena, hadiisa adiga noloshu
ku hugaamiso halkii ay ku jiido aad uraacdid, waxaad noqonaysaa ruux
guuldareysta oo aan sidii larabay aan u ciyaarin. Waxaa lagaaga baahanyahay inaad nolosha u
aragtid tartan oo aad u dagaalantid si aad u guuleysatid tartamada oo idil,
nolosha dhaxdeeda guul iyo guuldaro marwaliba way jirtaa wayna jiri doontaa,
ruux aan maanta magaciisa xataa qorri aqoonin ayaa berito noqon kara ruux
bulshada dhaxdeeda xushmad weyn kuleh, kana mid noqon kara dadka nolosha ka
guul keena.
Marmarka
qaar waxaa dhici karta inaad is dhahdid
noloshu ma’aha cadaalad, marka waxwalbo udhacaan sidaad la rabtay maahee sikale tusaale waxaad ku guuldaraysatay
inaad guursatid, waxaad ku guuldaraysatay helidda shaqo kuu muhiim ah, waxaad
ku guuldaraysatay imtixaan, markaas ayad bilaawdaa inaad nafsadaada kula
sheekeysatid, inta badan dadka guuleysta aniga ayaa ka mudnaa, sidaan
cadaalad ma’aha in marwaliba guuleystaan dadkaan aniguna aan guuldareeysto maxaa
ii qoray? Maxaa ayaga guusha u dhaliyay anigana guuldarida? Ayaad is weydiisa,
laakiin markaasi waa mar aad noqotay ruux iiman la’ oo ka quustay raxmada iyo
naxariista Eebe. Waxwalbo Allaah ayaa awooda asaga ayaa naleh noona qoray
waxwalbo oo nolosha nasoo food saara, guusheena iyo guuldarideena asaga ayaa
gacanta ku hayo, isku si ayuuna u arkaa adoomihiisa, caqabad kasto oo aad
lakulantid ama kaa hortimaadana waa tijaabo uu Rabbi ku tijaabinayo heerka uu
gaarsiisanyahay iimaankaada.
Ruuxa
caqliga usaaxiibka ah asagoon qaddarta Allaah ka indha saabanaynin ayuu cagta
saaraa waddada guusha asagoo kafilanaayo inuu waxwalbo kala kulmi karo, doorka
uu ka ciyaari lahaa noloshiisa asaga ayaa gacantiisa ku qorta, dadaal badan
ayuu la yimaadaa, waa ruux ka dheregsan waxa aytahay guuldarida, waxuuna
marwaliba ku dadaalaa gaarista dhibicda iftiinka ee ku dhaxjirta mugdiga, waa
kan yiraahda guuldaridu waxay ku bartaa guusha, waxuu aragti sax ah oo fog ka
heeystaa in guuldaridu ay tahay tijaabo ee aysan ahayn gaba-gebo iyo gummaad,
guuldaridu ay tahay xili aysan ahayn dhamaadka waddo, guuldaridu ay tahay madal
aysan ahayn wax sii nagaanayo.
No comments:
Post a Comment